Wasiirka Amniga Puntland: Haddaan Amni jirin Hormar ma jiraayo-Dhegayso

Published: February 12, 2018

Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullahi Dawlad ayaa sheegay in isaga iyo Wefdi uu hogaaminayo ay magaalada Bosaso u yimaadeen arrimo la xiriira ammaanka gobolka Bari, kadib markii uu shir jaraa’id ku qabtay wasaaradda amniga .

Wasiirka ayaa shacab Magaaladda Bosaso ugu baaqay in ay ilaashadan amniga guud ee magaalada gacana ay siiyaan ciiddanka Police-ka gobolka si looga wada shaqeeyo ammaanka dalka guud ahaan.

Mar-wax laga weydiiyey wasiirka arrinta la xiriirta shaqa joojinta dhowaan la sheegay in lagu sameeyey Taliyaha qeybta boolisk-Gobolka Bari, ayaa wasiirka sheegay in wali baaritaan u socdo, siaol markaana arimaha ay u yimaadeen Magaaladda Bosaso ay ka mid tahay .

Wasiirka ayaa sidoo kale ka gaabsaday in uu ka hadlo weerar iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Bosaso, waxa uuna hadalkiisa ku soo goobay in falaalkaasi, ay la mid yihiin kuwa ka dhaca magaalooyinka kale ee caalamka.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *