Wasiirka Wasaaradda Dastuurka oo la kulmay Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Puntland

Published: February 12, 2018

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Gudigga La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-U-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa waxay kulan wadatashi ah la qaateen Gudoomiye Ku-Xigeenka Koowaad iyo Gudigga Joogtada ee Golaha Wakiilada Puntland.

Wasiir Cabdi Xoosh ayaa ka hadlay ujeedada kulanka iyo kaalinta Golaha Wakiilada Puntland ay ku leeyihiin Geedi-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka.

“Wasaaradda iyo Labada Guddi aragti mideysan ayay ka leeyihiin hawsha Qaran waxaanan dooneynaa in aragtideena aan la wadaagno dhamaan Dawlad Goboleedyada si inaga oo gacmaha is heysanna aan guul uga gaarno Geedi-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka, ujeedada kulankan wadatashiga ahna waa inaan Golaha Wakiilada Puntland aan la wadaagno tubta aan ku gaari lahayn dhameeystirka Dastuurka” ayuu yiri Avv Xoosh.

Dhanka kale, Gudoomiyayaasha labada Guddi Mudane Maxamed Daahir Afrax iyo Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Kaamil ayaa waxay si wadajir ah uga hadleen muhiimadda Dib-U-Eegista Dastuurka.

Ugu dambayn, Gudoomiye Ku-Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaan ayaa ballanqaaday in Golaha Wakiilada Puntland ay doorkooda ka qaadan doonaan Geedi-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka.

—–DHAMAAD—–

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *