Egypt: Sisi oo xabsiga dhigay Taliyihii hore oo ahaa Murashax

Published: February 14, 2018

Taliyihii hore ee ciidamada Masar Sami Anan iyo Kaaliyihiisii Hisham Genena ayaa xabsiga la dhigay kadib markii ay shaaciyeen inay hayaan sir badan oo ku aadan danbiyada ay geysteen militariga dalkaasi.

Jeneraal Sami Anan ayaa ahaa Taliyaha Guud ee ciidamada Militariga tan iyo sanadkii 2012, wuxuuna dhawaan sheegay inuu u tartami doono xilka Madaxweynaha.

Hisham Genena oo isaguna ahaa Madaxii guddiga la dagaalanka Musuq Maasuqa oo kaaliye u noqday murashaxa Sami ayaa wareysi uu bixiyey Axadii lasoo dhaafay ku sheegay in Jeneraalka Sami uu hayo sir badan oo muujineysa danbiyadii ay galeen saraakiisha Militariga.

Genena ayaa sheegay in sirtaasi ay shaacin doonaan hadii la dilo Jeneraalka Sami oo uu sheegay inuu u cabsi qabo naftiisa. Ciidamada amaanka ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inay dhaawaceen Hisham Genena xiligii ay xabsiga u wadeen.

Taliska Militariga Masar ayaa ku tilmaamay hadaladan kuwo lid ku ah Militariga iyo Qaranka Masar, isla markaana sharciga la horkeeni doono labadan nin.

Tilaabadan lagu xiray Jeneraalka iyo xogheyntiisa ayaa muujineysa cadaadiska uu dareemayo Cabdifatax Al Sisi kahor doorashada Madaxweyne ee la qorsheeyey inay dhacdo bisha soo socota ee Maarso.

Inta badan xisbiyada dalkaasi ayaa sheegay in doorashadaasi aysan ka qeyb geli doonin, waxaana sidoo kale horey u sheegay inay tartanka isaga baxeen murashaxiintii la tartami lahayd Sisi oo qaarkood sheegeen in doorashadan ahayn mid xalaal ah.

Xaalada Siyaasadeed ee dalka Masar ayaa ah mid aan degenayn, waxaana sare usii kacay weerarada ay geysanayaan kooxaha hubeysan ee dowlada kasoo horjeeda, xili ay xabsiyada ka buuxaan dad badan oo rayid ah oo uu militariga u arko mucaaridkooda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *