Magaalada Bosaso oo laga furay xarun lagu xanaaneeyo dumarka qaba cudurka dhimirka-Dhegayso

Published: February 14, 2018

Dadka qaba xanuunka loo yaqaan dhimirka ama waalida ayaa la sheegayaa in sanadihii la soo dhaafay si weyn ugu soo badanayeen gudaha Soomaaliya, sababta keentey kor i kiciddda cudurka dhimirka ayaa loo badinayaa, dhaqaale xumada dalka ka jirta, shaqo la`aanta, mukhaadaraadka iyo dowlad la`aanta Soomaaliya ku habsatey muddada dheer.

Inkastoo ay weli jiraan dad badan oo weli la il daran xanuunka dhimirka ayaa hadane waxaa magaalooyinka qaar laga hirgaliyey xarumo lagu xanaaneeyo dadka qaba cudurkaasi.

Magaalada Bosaso ayaa markii ugu horeysay laga furay xarun lagu xanaaneeyo dumarka qaba cudurka dhimirka.Xarunta ayaa la asaasay sanadkii 2016.

Cawil Axmad Yuusuf o ah madaxa xarunta ayaa Horseed Media u sheegay in xaruntan ay fureen kadib markii ay arkeen dumar farabadan oo qaba cudurka dhimirka, isla markaan ku dayacan wadooyinka magaalada.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *