Madaxweynaha oo amar ku siiyey Wasaaradda Maaliyadda in aan laga qaadi Karin wax canshuur ah Doontii soo Caariday

Published: February 15, 2018

Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo shir gudoominayey Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay Amniga Dalka, Shirkii Amniga Qaranka, Nabadeynta Beelaha Deegaanka Cagaare, Xaaladda badbaadinta Doontii Caariday, Xeerka Nidaamka Cabashooyinka Puntland, wax ka bedelka magaca Wasaaradda Deegaanka iyo Warbxino.

Xaaladda Amniga Dalka

Golaha Wasiirada Puntland ayaa waxa ay Warbxin ka dhegeysteen wasaaradda Amniga oo sheegtay in Ciidamada ku jiraan feejignaan joogta ah iyo sidii ay uga hortagi lahaayeen cadowga Puntland

Shirkii Amniga Qaranka

Madaxweynaha Puntland ayaa uga warbixiyey Golaha Wasiirada Shirkii Amniga Qaranka iyo qodobadii ay isku raaceen Gollaha Amniga Qaranka, wuxuuna u sheegay Madaxweynaha Golaha in xaalad adag laga marayo dhisme Ciidan Qaran oo dalka lagu aamini karo, taas awgeedna loo baahan yahay in waqti la geliyo dhisme Ciidan Qaran oo dalka lagu aamini karo dhinac walba, wuxuuna Madaxweynaha u sheegay gollaha in Madashu dadaal ugu jirto soo dhammeystirka iyo sameynta Ciidan Qaran,

Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha Gollaha uga warbixiyey heshiiskii laga gaaray kalluumeysiga Soomaaliya

Nabadeynta Beelaha Cagaare

Gollaha Wasiirada ayaa bogaadiyey Issimada iyo Waxgaradka deegaanka Cagaare oo soo af meeray khilaafaadkii iyo isku dhacyadii deegaankaas, wuxuuna Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamad Cali Gaas u caddeeyey shacabka Puntland in ay ka qeyb qaadan doonaan fulinta iyo dhammeystirka heshiiskaasi, horeyna Puntland uga qeyb qaadatay isagoona Madaxweyanah bogaadiyey guud ahaan Issimada dowladda deegaanka Itoobiya ee ka qeyb qaatay heshiiskaasi.

Xaaladda Badbaadinta Doontii soo Caariday

Madaxweynaha Puntland ayaa ka dhegeystay Gollaha Wasiirada xaaladda badbaadinta doontii soo caariday oo si weyn uga qeyb qaateen shacabka, shirkadaha dalka iyo dowladuba, wuxuuna Madaxweyanha bogaadiyey dhammaan intii ka qeyb qaadatay howshaasi, isagoona Madaxweyanaha amar ku siiyey Wasaaradda Maaliyadda in aan laga qaadi Karin wax canshuur ah.

Nidaamka Maareynta Cabashooyinka Puntland.

Hay`adaha maamul wanaaga Puntland ayaa hor keentay Gollaha Wasiirada xeerar kala ah xeerka nidaamka maareynta cabashooyinka iyo xeerka Axdiga adeega dadweynaha, xeerkan ayaa xoojinya wada shaqeynta dowladda iyo dadweynaha.

Wax ka bedelka Magaca Wasaaradda Deegaanka

Gollaha Wasiirada Puntland ayaa ka bedelay magacii hore ee wasaaradda deegaanka waxayna u bedeleen wasaaradda deegaanka iyo isbedelka Cimilada, si ay wasaaraddu wax uga qabato wax yeelada is bedelka Cimilada deegaanada Puntland

Gollaha Wasiiradda Puntland ayaa ugu dambeen warbixin ka dhegeystay Wasaaradda Haweenka oo shaqooyin ka soo fulisay gobolka Mudug, wuxuuna Madaxweynaha u sheegay Gollaha in gabadha ay yihiin halyeeyo meel walba oo ay joogaan gaar ahaan kuwa ka shaqeeya caafimaadka iyo Waxabarashada.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *