Doonta dhawaan ku caaridey xeebta Bosaso oo rarka laga dejinayo-Dhegayso

Published: February 15, 2018

Dhismaha Dekedda macmalka ah ee magaalada Bosaso ayaa la soo geba-gabeeyey waxaana la qorsheeyay in maalinta berri ah ay bilaabato dejinta rarka saaran doonta

Dhowaan ayey ahayd markii magaalada Bosaso ay ka soo caaridey dooni raran, taasi oo keentay in la dhiso dekad macmal ah si loo badbaadiyo hantida badan ee saaran doonta

Dekedan macmalka ah ayaa lagu dhisay hab iskaa wax u qabso ah, taasi oo ay gacan ka geysteen guud ahaan bulshada Puntland gaar ahaan shacabka Magaalada Bosaso.

Sheekh Fu’aad Aflow oo ah madaxa tabarucaadda doonta ayaa sheegay in maalinta berri ah laba bilaawayo dejinta agabka saaran doonta.

…Wiishahkii alaabta dejin lahaa waa diyaar iyo goobta la geyn lahaa alaabta ayuu yiri Sheekh Fu’aad Aflow.

Dhaqaalaha saaran doonta ayaa lagu qiyaasay lacag dhan 7 Miliyan oo dollar waxayna u rarnayd ganacsada Puntland, Doonta ayaa ka timid dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana ay khatar ku gashey meel ku dhow xeebta Bosaso, xili habeenimo ah

Waxaa ka qeyb qaatay badbaadinta doontaasi bulshada qeybaheeda kale duwan.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *