Maxamuud Siraaji oo ku soo baxay Doorashadii ka dhacday Magaalada Kismaayo

Published: February 15, 2018

Musharax Maxamuud Cabdullaahi Siraaji ayaa ku guuleystay kursigii Xildhibaannimo ee Beesha Hubeer, kadib doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbland.

Waxaa Musharax Maxamuud Siraaji la tartamaysay Musaharax Fardowso Xuseen Maxamad

Kursigan ayaa waxaa horey uga geeriyooday Cabaas Siraaji oo sanadkii hore lagu dilay magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa nin dhalinyaro ah oo guuleystay doorashada kursiga sanadkii 2016.

Waxaa uu ka mid noqonayaa Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji dhalinyarada ka tirsan Golaha shacabka.
Maxamuud Siraaji ayaa helay 50 cod, taasoo si aqlabiyad leh ugu guuleystay Kursigii uu baneeyay walaalkiis.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *