South Africa: Hogaamiyaha ANC oo loo dhaarinayo Madaxweyne kadib iscasiladii Zuma

Published: February 15, 2018

Madaxweyne kuxigeenka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa lagu wadaa in maanta loo dhaariyo xilka Madaxweynaha, kadib iscasiladii Madaxweyne Jacob Zuma oo shalay shaaciyey inuu xilka ka degayo.

Xisbi Xaakimka ANC ayaa Salaasadii ugu baaqay Zuma inuu xilka isaga dego, kadib markii lagu eedeeyey falal musuq maasuq ah oo saameyn weyn ku yeeshay siyaasada iyo dhaqaalaha dalkaasi.

Zuma oo Madaxweyne soo ahaa tan iyo 2009 ayaa xilkiisa ugu ekaa sanadka soo socda, wuxuuna markii hore diiday inuu xilka ka dego kahor intuusan aqbalin inuu iskiis isu casilo. Xisbigiisa ANC ayaa ugu hanjabay inay codka kalsoonida u qaadi doonaan Zuma maanta oo khamiis ah haduusan xilka iska casilin, taasi oo ku khasabtay Jacob Zuma inuu xilka ka dego.

Cyril Ramaphosa oo bishii December loo doortay Guddoomiyaha Xisbi Xaakimka ANC ahna hada Madaxweyne kuxigeen ayaa xilka Madaxweynaha loo dhaarin doonaa, xukuumada ayaa sii jiri doonta inta ay ka dhaceyso doorashada.

Jacob Zuma ayaa xisbiga ANC kamid noqday 1958dii wuxuuna kamid ahaa hogaamiyayaasha mudada dheer xabsiga kusoo jiray xiligii gumeystaha, isagoo 10 sano xabsi kula xirnaa hogaamiyihii Nelson Mandela.

Balse Zuma ayaa intuu xukunka hayey ay hoos si weyn ugu dhacday taageerada xisbiga ANC oo ah kan ugu weyn dalkaasi, waxaana arrintaasi loo aaneenayaa musuq maasuqa baahsan taasi oo ugu danbeyn ku khasabtay xisbiga inuu xilka ka xayuubiyo hogaamiyahooda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *