USA: Weerar ka dhacay Iskuul oo lagu dilay 17 arday ah – Sawiro

Published: February 15, 2018

Saraakiisha Amniga ayaa xaqiijiiyey inay 17 qof ku dhinteen weerarkii shalay ka dhacay Iskool ku yaal gobalka Florida ee dalka Maraykanka.

Weerarkan ayuu geystay wiil 19 sano jir ah oo kamid ahaa ardayda iskuulka uu weerarka ka dhacay. Ardaygan oo lagu magacaabo Nikolas Cruz ayaa ku hubeysnaa qoriga loo yaqaan AR-15 oo ah mid loo ogol yahay shacabka Maraykanka inay gataan.

Eedeysanaha ayaa rasaasta ka bilabaay banaanka xarunta uu ku yaal dugsiga sare Marjory Stoneman Douglas High School ee magaalada Parkland, gobalka Florida.

Wuxuuna kadib gudaha u galay dugsigaasi isagoo tooganayey qof walba oo uu arko, waxaana la sheegay in dadka dhaawaca ah oo gaaraya 14 ay shan kamid ah dhaawacooda uu culus yahay.

Nikolas Cruz ayaa ka baxsaday goobta kadib markii weerarka geystay, balse booliiska ayaa ku guuleystay inay saacad kadib kasoo qabtaan magaalo kale.

Maaha markii ugu horeysay oo uu weerar noocaan ah ka dhaco dalka Maraykanka oo ay shacab badan heystaan hub sharciyeysan, waxaanse la ogeyn in wiilkan weerarka geystay hubka uu heystay uu ahaa mid sharci ah iyo in kale.

Weerarkan ayaa markale dib u bilaabay dooda ah in wax laga bedalo sharciga dalkaasi Maraykanka isla markaana la xakameeyo hubka ku jira gacanta shacabka, walow marar badan oo la isku dayey in sharciga la bedalo ay horjoogsadeen xisbiga Jamhuuriga ah oo dhaqaale badan ka hela shirkadaha soo saara hubka oo ololahooda saameyn weyn ku leeyahay Baarlamaanka dalkaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *