Egypt: Xukuumada oo sii wada Xariga Murashaxiintii doorashada isaga baxay

Published: February 16, 2018

Abdul Moneim Aboul Fotouh oo kamid ahaa murashaxiinta u tartamayey xilka Madaxweynaha ee isaga baxay doorashada la qorsheeyey inay dhacdo bisha danbe ayaa xabsiga la dhigay kadib markii uu dib uga soo noqday safar uu ku tagay dalka UK.

Siyaasigan oo kamid ahaa murashaxiintii ka qeyb galay doorashadii dhacday 2012, ayaa waxa lala xiray shan kamid ah taageerayaashiisa.

Xeer illaalinta Masar ayaa sheegtay inuu ninkan xiriir la leeyahay xisbiga la mamnuucay ee Ikhwaan Muslimiinka, waxaa sidoo kale la tuhunsan yahay in lagu heysto wareysi uu todobaadkii hore siiyey telefishinka Aljazeera.

Wareysigaasi ayuu Abdul Moneim ku sheegay in doorashada Madaxweynaha ee bisha danbe dhici doonta ay tahay mid aan xalaal ahayn isla markaana ugu baaqay shacabka inaysan ka qeyb qaadan beenta ay soo dhoob dhoobtay xukuumada Cabdufatah Al Sisi.

Xariga siyaasigan ayaa kusoo beegmaya xili dowlada ay xabsiga dhigtay qaar kamid ah siyaasiyiinta kasoo horjeeda Sisi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *