Shixnaddii saarnayd Doonta dhawaan ku caaridey xeebta Bosaso oo la dejiyey-Sawiro

Published: February 16, 2018

Shanta bishii Febraayo ayey ahayd markii Doonida siday shixnado kale duwan ay kusoo caariday meel u dhow dekeda Bosaaso 11-cisho kadibna waxaa maanta lagu guuleystay in la badbaadiyo hantidii saarnayd doonta

Badbaadinta hantida saarnayd doonta Xafiis waxaa ka qeyb qaatay qeybaha kale duwan ee bulshada waxaana goobta ay ka socotay dajinta rarka saarnaa doonta ku sugnaa mas’uuliyiin ka socotay dowlada gudiga ku howlanaa badbaadinta hantida saaran doonta iyo ganacsatadii ay u rarnayd doonta

Dekedan macmalka ah ayaa lagu dhisay hab iskaa wax u qabso ah, taasi oo ay gacan ka geysteen guud ahaan bulshada Puntland gaar ahaan shacabka Magaalada Bosaso.

Dhaqaalaha saaran doonta ayaa lagu qiyaasay lacag dhan 7 Miliyan oo dollar waxayna u rarnayd ganacsada Puntland, Doonta ayaa ka timid dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana ay khatar ku gashey meel ku dhow xeebta Bosaso, xili habeenimo ah

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay sheekh Fu’aad Aflow oo ahaa gudomiyaha guddiga badbaadinta hantida saaarnayd doonta isagoona u mahadceliyay cidd kasta oo ka qeyb qaadatay in la badbaadiyo shixnadda saarnayd doonta

”Maanta waxaan arkaynaaa deked doon ku xiratay, dekeddii baa bariga ka timid doontay ku xiratay runtii waxay ahayd isku day dad badan waali u arkayey, laakin way rumowday” ayuu yiri sheekh Fu’aad

Waxaa sidoo kale ka hadlay goobta mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha gobolka Bari, duqa degmada Bosaso iyo wasiirka dekedaha Puntand iyagoona dhammaantood ammaanay sida isku tashiga ku dheehan ee loo badbaadiyay hantidaasi saaran doonta

Sawir Qaadde Maxamad Xasan Dhalo

Cabdirisaaq Faamoos

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *