Turkiga iyo Maraykanka oo ka wadahadlaya Xiriirkooda sii xumaanaya

Published: February 16, 2018

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Rex Tillerson oo gaaray dalka Turkiga ayaa kulamo laleh Madaxweynaha iyo dhigiisa dalkaasi si wax looga qabto xiriirka sii xumaanaya ee u dhaxeeya labadaasi dal oo xulafo ku ah isbaheysiga NATO.

Turkiga ayaa si weyn uga careysan taageerada uu Maraykanka siinayo kooxaha ay u arkaan khatar inay ku yihiin amniga wadanka Turkiga.

Maraykanka ayaa illaa iyo hada diidan inuu Turkiga u gacan geliyo wadaadka mucaaridka ee Futtellah Gulen oo magangelyo ku heysta dalka Maraykanka, waxaa taasi usii dheer taageerada militari ee Washington u fidisay maleeshiyaadka Kurdida ee YPG oo ka tirsan xoogaga loo yaqaan SDF ee la dagaalamaya Daacishta Siiriya.

Turkiga ayaa bishii lasoo dhaafay bilaabay hawlgal militari oo balaaran, waxayna ciidamada Turkiga gudaha u galeen Waqooyiga dalka Siiriya dhulka Kurdida ka dagaalamayaan iyagoo la wareegay dhawr magaalo.

Ciidamada Turkiga iyo kuwa Kurdida oo ay wehliyaan ciidamada Maraykanka ayaa isku horfadhiya magaalada Manjib ee bariga gobalka Afrin ee waqooyiga Siiriya.

Militariga Turkiga ayaa ugu baaqay Maraykanka inuu ciidamadiisa kala baxo magaalada Manjib, Maraykanka ayaa sheegay hadii la weeraro ciidamadooda gacanta siinaya Kurdida inay iyaguna jawaab adag ka bixin doonaan.

Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Siiriya iyo Ciraaq, Paul Funk ayaa sheegay in Maraykanka isdifaaci doono hadii lasoo weeraro ciidamadooda iyo Kuwa kurdida.

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa isaguna sheegay inuu ku dhufan doono “…Dharbaaxadii Cismaaniyiinta…” ciidamadaasi ku sugan magaalada Manjib ee Maraykanka, taasi oo micnaheydu tahay inuu duulaan ku qaadi doono.

Dowlada Turkiga ayaa ku eedaysay Maraykanka inuu hub culus u daabulayo maleeshiyaadka Kurdida hubkaasi oo khatar ku noqon kara amniga dalkooda, eedeyntaasi oo uu Maraykanka beeniyey.

Tillerson ayaa la ogeyn inuu ku guuleysan doono safarkiisan diblumaasiyadeed oo laba maalin qaadan doona, isagoo sheegay inuu doonayo in la hagaajiyo xiriirka labada dal ee saaxiibada ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *