Ethiopia: Xaalada deg degta ah ee lagu soo rogay dalkaasi

Published: February 17, 2018

Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay inay xaalad deg deg ah kusoo rogtay wadankeeda bilaha ee soo socda, go`aanka ayaa dabasocda Iscasilaadii Raysalwasaaraha dalkaasi Hailemariam Desalegn.

Go`aankan ayaa kasoo baxay kulankii shalay ee Golaha Wasiirada, walow aan lagu qeexin inta bilood oo uu socon doono xukunkan xaalada deg degta ah 3 bilood ama 6 bilood.

Iscasilaada Raysalwasaare Hailemariam ayaa la doonayaa in xal looga dhigo kacdoonka shacab oo ay wadaan qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada oo mudaharaadyo dhigayey tan iyo sanadkii 2015.

Hailemariam ayaa sidoo kale sheegay inuu iska casilay xilkii hogaaminta xisbi xaakimka EPRDF oo uu soo hogaaminayey tan iyo 2012, kadib markii uu dhintay Raysalwasaarihii hore Meles Zanawi.

Si kumeel gaar ah ayuu xilka usii heyn doonaa Hailemariam inta Baarlamaanka dalkaasi ka ansixinayo ama aqabalayo iscasilaadiisa, balse xisbiyada uu kasoo jeedo Hailemariam ayaa iyagu sheegay inay aqbaleen go` aankiisa.

Marka laga yimaado kacdoonka ka jira gobalada dalkaasi qaarkood, waxaa dhinaca kale muddo dheer soo socday loolan xoogan oo ka dhex jira xisbi Xaakimka EPRDF.

Waxaana hadal hayaa in xisbigaasi laga yaabo in Raysalwasaaraha cusub u magacaabo siyaasi kasoo jeeda qowmiyada Oromada, walow aan la ogeyn in arrintaasi ay xal u noqon doonto kacdoonka dadkaasi.

Go’aanka xaalada deg degta ah ee xukuumada soo rogtay ayaan rajo badan laga qabin inay wax ka bedasho xaalada wadankaasi maadaama ay dowlada sidan oo kale dalka gelisay xaalad deg deg ah sanadihii 2016 iyo 2017, tilaabooyinkaasi oo sare usii qaaday xiisada iyo gadoodka shacabka.

Dhibaatooyinka ugu waaweyn oo ay shacabka Itoobiya ka cabanayaan ayaa ah sharuucda adag ee dalkaasi oo ay dowlada kula dhaqanto shacabka iyadoo caburineysa xoriyadooda, waxayna dadka kacdoonka wada doonayaa in gebi ahaan la bedalo nidaamka iyo shuruucda wadankaasi.

Wadanka Itoobiya oo qaatay nidaamka Federaalka iyo ismaamul gobalada ay kala degen yihiin qawmiyadaha kala duwan, ayaa laga cabsi qabaa in xiisada ka taagan sii xoojiso kala fogaanta qowmiyadaha kala duwan ee ku loolamaya awooda dalkaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *