Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku dhibaateysnaa Liibiya oo dalka dib loogu soo celiyey-Sawiro

Published: February 17, 2018

Qaar ka mid ah Tahriibayaashii Soomaaliyeed ee ku dhibanaa gudaha wadanka Liibiya ayaa laga soo dajiyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Mudane Mahdi Maxamad Guuleed Ra`iisul Wasaare ku xigeenka dalka , Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo Xildhibaano matalayey labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey muwaadiniintan dib uga soo laabtay dalka Liibiya oo muddo ay ku heystay dhibaatooyin kale duwan.

Muwadiniintan soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda ayaa tiro ahaan gaarayey ilaa iyo 11-qof ,waxaana dadkan ka mid ah carruur iyo haween ay wajiyadooda ka muuqdeen duruuftii adkeyd oo ay kula soo kulmeen dalka Liibiya.

Maryan Yasiin oo ah Ergayga gaarka ah ee Xukuumadda Soomaaliya u qaabilsan xuquuqda Tahriibayaasha ayaa sheegtay in muwadiniinta lagu soo celiyey dalka ay qabaan dhib badan oo ay u geysteen kooxaha loo yaqaan Magafayaasha .

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixisay sidii dalka dib loogu soo celin lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibanaa dalka Liibiya, iyadoo natiijada dadaalkaasi uu keenay in qaarkood dalka dib loogu soo celiyo.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *