USA: Dacwada lagu oogay 13 Muwadiniin Ruush ah oo doorashooyinka carqaladeeyey!

Published: February 17, 2018

Kuxigeenka Xeer illaaliyaha Rod Rosenstein, oo saxaafada usoo bandhigay dacwada lagu soo oogay 13ka Ruushka ah (AP)
Wasaarada Cadaalada ee Maraykanka ayaa shaacisay dacwada ay kusoo oogayaan 13 muwaadiniin Ruush ah iyo 3 shirkadood oo Ruush ah oo lagu eedeeyey farogelinta doorashadii ka dhacday dalka Maraykanka.

Guddiga Baaritaanka wada ee uu hogaaminayo Robert Mueller ayna qeyb ka tahay hay`ada danbi baarista ee FBI ayaa soo socday muddo dheer, waxaana lagu faah faahshay qaabkii Ruushka uu fowdada uga dhex abuuray dalka Maraykanka xiligii doorashada Madaxweynaha ee sanadkii 2016.

Ruushka ayaa la sheegay inuu mashruucan bilaabay sanadkii 2014 labo sano kahor xiligii doorashada Maraykanka, isla markaana la doonayey in la isaga horkeeno shacabka Maraykanka, xiisadna laga dhex abuuro kooxaha kala taageera xisbiyada dalkaasi.

Qala Qeybin iyo Isku Dir
Mashruucan qarsoodiga ah ee Ruushka laga soo abaabulay ayaa la sheegay in uu ku baxayey dhaqaale ka badan 1.2 milyan oo dollar bishii, isla markaana ay ka shaqeenayeen kooxo loo shaqaaleysiiyey inay internetka ku faafiyaan warar been ah oo la isaga horkeenayo shacabka Maraykanka.

Kooxahan Ruushka ayaa sidoo kale iska dhigay inay yihiin urur ama muwaadiniin Maraykan ah iyagoo abaabulay mudaharaadyo la isaga horkeenayo shacabka kala taageera xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuquraadiga.

Ololaha kooxdan waday ayaa sidoo kale taageero umuujiyey Donald Trump iyagoo sidoo kale weerar ku ahaa Hillary Clinton oo ahayd murashaxii xisbiga Dimuquraadiga. Kooxahan ayaa xiriir la sameeyey guddiyada ololaha doorashada u qaabilsanaa Trump iyagoo iska dhiganaya inay yihiin muwaadiniin Maraykan ah.

Kooxdan ayaa saameyn weyn ku yeelatay internetka iyagoo sameystay boqolaal magacyado been ah ee shabakadaha Twitter iyo Facebook, iyagoo wararka ay sameeyeen si fudud ugu baahiyey shacabka.

Saaxiibka Putin
Hawlgalkan Ruushka uu khal khalka ku gelinayey Maraykanka ayaa waxaa hogaaminayey ganacsade ay saaxiibo gaar ah yihiin Madaxweynaha Ruushkha Putin. Ganacsadahan oo kamid ah 13ka qof ee dacwada lagu soo oogay ayaa lagu magacaabaa Yevgeny Prigozhin.

Mr.Prigozhin ayaa la sheegay inuu bixiyey lacagta ay ku hawlgalayeen kooxahan oo xarumo ka sameystay gudaha dalka Maraykanka, balse saldhigoodu ahaa magaalada St. Petersburg ee dalka Ruushka oo uu ninkaasi kasoo jeedo.

Ninkan ayaa loo yaqaan (Cunto Kariyaha Putin) maadaama shirkada uu leeyahay ay qaabilsan tahay cuntada xarumaha dowlada Ruushka sida Madaxtooyada, ayaa isagu sheegay in arrintan uu Maraykanka soo dhoob dhoobay, balse uusan ka xumeyn in lagu daro diiwaanka dadka dacwada lagu soo oogay.

Cadaadiska Trump
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo isagu marar badan ku cel celiyey inaysan waxna ka jirin in Ruushka farogelin ku lahaa doorashadii uu ku guuleystay, ayey kadis ku noqotay dacwad ay soo oogeen guddiga baaritaanka wada ee uu hogaamiyo Robert Mueller.

Robert Mueller, hogaamiyaha guddiga baaritaanka kuwada farogelinta lagu sameeyey Doorashadii 2016

Trump ayaa la hadal hayey dhawaanahan inuu doonayo isbedal ku sameeyo wasaarada Cadaala si loo joojiyo baaritaankan uu wado Robert Mueller oo uu ka cabsi qabo inay banaanka soo dhigto siraha qarsoon iyo xiriirka la sheegayo inuu dhexmaray guddigii doorashada u qaabilsanaa Trump iyo Ruushka.

Donald Trump oo bedalay hadalkii uu ku difaaci jiray Ruushka ayaa bartiisa twitter kusoo qoray, in ololahan Ruushka wado uu bilowday 2014 kahor intuusan ku dhawaaqin inuu murashax yahay sidaa daraadeedna ay cadeenayso inuusan isagu wax xiriir gaar ah lalehyn Ruushka.

Baaritaanka ayaa weli sii socda iyadoo aan la ogeyn cida ku xigi doonta oo ay guddiga Robert Mueller ay dacwada kusoo oogi doonaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *