Ganacsiga Suuqa Bakaaraha oo guud ahaan Xiran

Published: February 18, 2018

Ganacsiga suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha ayaa xiran, kadib markii uu dhaqan galay go`aan ka soo baxay ganacsatada Gobolka Banaadir, kaasoo ay ku sheegeen in ay shaqo joojin sameynayaan wixii ka bilowda maanta oo Axad ah.

Xirnaanshaha Suuqa Bakaaraha ayaa saameyn ku yeelatay dadka xoogsatada ah ee maalin walba nolol maalmeedkooda ka heli jiray suuqa

Ganacsatada ayaa ka cabanaya canshuur dheeri ah oo lagu soo rogay, waxaana shaqo joojintan ay ku soo beegmatay canshuur dhawaan Wasaaradda Maaliyadda ku soo rogtay Ganacsatada.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *