Golaha Wasiirada Galmudug oo markii ugu horeysay shir ku yeeshay Dhuusamareeb

Published: February 18, 2018

Golaha Wasiirada Galmudug ayaa markii ugu horeysay shir ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamul Galmudug

Shirkaa ayaa waxaa ka soo qeyb galay inta badan xubnaha Golaha Wasiirada iyo Taliyeyaasha Ciimada qeybahooda kale duwan, waxaana laga soo jeediyay warbixinno la xiriira xoojinta Amniga iyo sidii GalMudug ugu diyaar garoobi lahayd xoreynta deegaanada gacantooda ka maqan.

Waxaa looga hadlay shirka intiisa badan arimaha amniga deegaanada Galmudug, iyadoo uu shir guddoominayay Madaxa Golaha Wasiirada Galmudug Sheekh Maxamad Shaakir Cali Xasan

Sidoo kale Shirka Golaha wasiirada GalMudug ayaa waxaa lagu soo bandhigay Warbixin la xiriirta qorshaha isku dhafka Ciidamada Dowlad Goboleedka iyo xog ku saabsan Horumarka laga sameeyey qorshaha tayeynta Booliiska.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *