Cumar Ismaaciil oo ka mid ahaa Xildhibaanadii u horeeyey ee Puntland oo geeriyooday

Published: February 19, 2018
Sawirka: SomalTalk

Rabbi ha u naxariistee waxaa magaalada Boosaaso maanta oo Isniin ah ku geeriyooday Cumar Ismaaciil Maxamed Sanweyne oo kamid aha Xildhibaanadii Puntland lagu asaasey.

Geerida marxuumka waxaa tacsi ka direy Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas oo ku hadlaaya afka shacabka Puntland.

Dhamaan Shaqaalaha Horseed Media waxay tacsi u dirayaan Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Puntland Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil oo loo yaqaan Sheekh Adduun oo uu ahaa aabihiis. Rabbi ha u naxariisto samir iyo iimaan haka siiyo dhamaan ehelkiisi iyo bulshada Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *