Israel, Iran iyo Sacuudiga oo hadalo kulul isku dhaafsaday shirkii Munich

Published: February 19, 2018

Axadii shalay ayey hogaamiyayaasha dalalkaasi khudbadahooda kasoo jeediyeen shirka sanadlaha ah ee looga hadlo Amniga Caalamka kaasi oo ka dhacay magaalada Munich ee dalka Germany.

Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa khudbadiisa sidii cadaada u ahayd ku weeraray dowlada Iran oo uu sheegay inay tahay “…Khatarta ugu weyn ee dhanka Amniga Caalamka…”

Netanyahu ayaa ku eedeeyey Iran inay dooneyso inay awoodeeda ku balaariso bariga dhexe iyo caalamka oo dhan iyadoo hubeenaysa kooxo argagaxiso ah oo uu ku tilmaamay Xagjirka Shiicada, kuwaasi oo uu sheegay inay hada khal khal ku hayaan dalalka carabta.

Hogaamiyaha xukuumada Israel ayaa ku dooday in khatarta Iran ay keentay inay hada isu soo dhawaadaan dalalka gobalka sida Sacuudiga iyo Israel, isagoo sheegay in loo baahan yahay caalamka in si wadajir ah tilaabo uga qaado Iran.

Wuxuu sidoo kale Netanyahu weerar shaqsi ah ku qaaday Wasiirka Arrimaha Dibada Iran Javad Zarif oo uu sheegay inuu yahay nin xariif ah oo been badan, isagoo yiri “…Mar dhaw waxaa khudbadiisa soo jeedin doona Wasiir Zarif waa nin aftahan ah oo been badan….”

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Sacuudiga Adel Al Jubeir oo isaguna khudbad kasoo jeediyey shirkaasi ayaa ku raacay Netanyahu, in Iran ay khatar ku tahay bariga dhexe.

Jubeir ayaa sheegay in bariga dhexe xiisada ka taagan ay bilaabatay kadib kacdoonkii Iran uu ku qabsaday Khumeyni oo uu sheegay inuu aasaasay kooxda argagaxisada ee ugu halista badan ee Xisbullah.

Wuxuu Wasiirka Sacuudiga sheegay in Iran iyadu weerar ku tahay dalkooda, isla markaana khal khal amni ku heyso dalalka Yemen, Lubnaan, Siiriya, Ciraaq, Baxreyn, Pakistan, Afghanistan iyo waliba dalal kale oo Afrikaan, ayuu yiri Al Jubeir.

Jawaabtii Iran
Wasiirka Arrimaha dibada ee Iran Javad Zarif ayaa isagoo iska ilaalinaya inuu dabo galo hadaladii Netanyahu si kulul u weeraray Maraykanka iyo xulafadiisa gobalka.

Javad Zarif ayaa sheegay in Maraykanka, Israel iyo Sacuudiga ay abuurayaan qaac isku qarin iyagoo diidan inay ka hadlaan khaladaadka iyo khasaaraha ay iyagu gacantooda ku sameysteen.

Khaladaadka ay gacantooda ku sameeyeen ayuu sheegay inay kamid yihiin; taageeradii Maraykanka u fidiyey Saddam Hussein dagaalkii 80maadkii, weerarkii Maraykanka Ciraaq ku qabsaday, Israel dhul boobka ay ku heyso Falastiin iyo Sacuudiga dagaalka uu ku khasaaray ee Yemen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *