Kor U Qaadidda Maalgashiga Soomaaliya-Maqaal

Published: February 19, 2018
Qore: Maxamed Axmed Aadan (Tiigaal

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay waddamada ka soo kabanaya dagaalada iyo xasilooni darrada siyaasadeed, waxaa uuna dalku leeyahay kheyraad dabiici ah oo u gaar ah. Dagaaladii sokeeye ka hor Soomaaliya waxa ay ka mid ahayd waddamada loogu maalgashiga badnaa qaaradda Afrika. Sida ku xusan qorshaha horumarineed qaranka Soomaaliya ee 2017-2019, waxa ay dawladdu mudnaanta siisay kor u qaadidda dakhliga dawladda iyo kobcinta dhaqaalaha waddanka iyadoo la tayeeynayo hay`adaha dawliga ah, lana xoojinayo sidii looga faa`idaysan laha khayraadka dabiiciga ah ee dalka si ay dawladdu uga maraanto deeqaha ka yimaada waddamada kale.

Qormadan waxa ay hordhaca u noqon karaysaa cilmi baarisyada loo baahan yahay in laga sameeyo dhiiri galinta maalgashiga Soomaaliya; waddankasta waxa uu aad u dhiiri galiyaa maalgashiga waddankiisa si uu u soo jiito maalgaliyayaasha caalamiga ah. Sidoo kale, maalgaliyayaashu waxa ay kulan sanadeed u qabtaan waddamada ay maalgashanayaan si ay u xoojiyaan horay u socodka xiriirkooda maalgashi. Tusaale, Warbixin lagu daabacay mareegta (Website) Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa tilmaamaysa in xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee dawladda Tukiga la sameeysay qaaradda Afrika ay gaaraysay lacag dhan 17,5 billion USD sanaddii 2015. Gar ahaan, lacag gaaraysay 6 billion USD Turkigu waxa uu kula sameeyey xiriirka ganacsi waddamada dhaca koonfurta saxaraha Afrika ee loo yaqaan (Sub- Saharan African Countries). Sida kucad warbixinta ay daabaceen Guddiga Maalgashiga Itoobiya sanadka 2018, waxa ay sheegaysa in dawladda Turkiga ay ku maalgashatay dalka Itoobiya lacag dhan 2.5 billion USD ee ka mid ah lacagta guud ee dawladda Turkiga ku maalgashatay waddamada dhaca koonfurta saxahara. Taas oo lamid ah in ay Itoobiya soo jiidatay 41% lacagta Dawladda Turkiga ku maalgashatay wadamada dhaca koonfurta saxaraha Afrika.

Haddii sidoo kale aan tusaale u soo qaato dalka Ciraaq oo ka mid ah waddamada ka soo kabanaya dagaalada iyo xasilooni darrada siyaasiyadeed. Shirkii dib u dhiska Ciraaq ee lagu qabtay Kuweeyt 12kii febaraayo, 2018; dawladda Ciraaq waxa ay ku soo bandhigtay qorsheheeda maalgashi oo ku kacaya lacag gaaraysa 88 billion USD. Guddiga Maalgashiga Qaranka ee Ciraaq ayaa soo bandhigay 157 mashruuc oo ay u raadinayeen maalgashadeyaal caalami ah si dib loogu soo nooleeyo dhaqaalaha dalka; waxa ayna tilmaameen dhinacyada maal gashiga u baahan in ay yihiin: dib u dhiska kaaba yaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, garoomada diyaaradaha; tamarta, shidaalka, beeraha, waxbarashada, caafimaadka, xarumaha dalxiiska, isboortiga si loo horumariyo dhaqaalaha.

Haddii aan u soo gudbo ubucda qormada, Soomaaliya sidaas si lamid ah waxa ay baahi u qabtaa kor u qaadidda maalgashiga caalamiga ah, si loo hiigsado arrintaas waxa la ma huraan ah helitaanka qodobada soo socda:

  1. In la sameeyo shuruucda maalgashiga dalka iyo guddi qaran oo madaxbanaan oo qaabilsan dhiirigalinta maalgashiga waddanka, in kasta uusan ka mid ahayn guddi noocan ah guddiyada heer qaran ee ku xusan qodobka 111aad ee dastuurka dawladda federaalka Soomaaliya, laakiin waxa lagu soo dari karaa xilliga dib-u-eegista dastuurka dalka ama waxa laga dhigi karaa hay`ad madaxbaan oo dawladeed oo u xilsaaran dhiirigalinta maalgalinta waddanka. Tusaale, waddamada Itoobiya, Ciraaq, iyo dalal kale oo badani, waxa ay leeyihiin Guddiga Maalgashiga Qaranka (National Inverstment Commission), halka waddamada sida Turkiga ay leeyihiin Hay`adda Taageeridda iyo Dhiirigalinta Maalgashiga (Investment Support and Promotion Agency).
  2. In guddiga maalgashiga qaranka ay xarumo ku yeeshaan dhamaan dawladaha xubnaha ka ah dawladda Federaalka ama gobolada oo dhan si maalgashiga dalka uu kor ugu kaco gobolkastana u helo ilo dakhli. Waxa kale oo muhim ah in gobolada ay nabaddu ka jirto ee diyaarka u ah maalgashiga laga bilaabo maalgashi si dawladdu u hesho ilo dhaqaale oo u bedela lacagta deeqaha ah. Markale haddii aan tusaale u soo qaato Guddiga Maalgashiga Ciraaq waxa ay xarumo ku leeyihiin dhamaan gobolada dalka, arrintaasna waxa ay ka caawisay in ay soo diyaariyaan 157 mashruuc oo laga hirgalinaayo dalka oo dhan kuna soo bandhigeen shirkii maalgashiga Ciraaq.
  3. In ay dawladdu soo qaban qaabiso shirweeynayaal loogu soo bandhigayo maalgashadeyaasha caalamiga ah mashaariicda horumarineed ee dalku u baahan yahay si loo horumariyo ilaha dhaqaale ee dalka, sida beeraha, kalluumaysiga, xoolaha, tamarta, shidaalka, kaabayaasha dhaqaalaha, warshadaha, caafimaadka, dalxiiska, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda.

Guntii iyo gunaanadkii, dhamaan waddamada horumaray, maalgashigu waxa uu ku leeyahay door muhim ah horumarkooda dhaqaale taas oo kor u qaadday heerka shaqaalaysiinta iyo dakhliga dawladda sii siyaadisayna tayada adeegyada bulshada.

Qoray: Mohamed Ahmed Aadan (Tiigaal)

Tixraaca

  1. Chmaytelli iyo Hagagy (2018, Feb,12). Iraq Says reconstruction after war on Islamic State to Cost $88 billion. Retrieved from URL. https://www.reuters.com/article/us-mideast-crisis-iraq-reconstruction/iraq-says-reconstruction-after-war-on-islamic-state-to-cost-88-billion-idUSKBN1FW0JB
  2. Ethiopia tops Turkish investment destinations of Africa: EIC http://www.ethpress.gov.et/herald/index.php/news/national-news/item/10748-ethiopia-tops-turkish-investment-destinations-of-africa-eic
  3. Iraq Investment Map 2017. http://www.iraq-jccme.jp/pdf/archives/1-iraq-map2017.pdf
  4. Somali Federal Constitution http://hrlibrary.umn.edu/research/Somalia-Constitution2012.pdf
  5. Somalia National Development Plan 2017-2019. http://mopic.gov.so/wp-content/uploads/2016/11/SOMALIA-NATIONAL-DEVELOPMENT-PLAN-2017-2019.pdf
  6. Turkey-Africa Relations http://www.mfa.gov.tr/turkey-africa-relations.en.mfa

 

 

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *