Nigeria: 475 ku eedaysan Boko Xaram oo xabsiyada laga siidaayey!

Published: February 19, 2018

Maxkamada wadankaasi Nigeria ayaa xabsiga kasii deysay in ka badan 400 maxaabiis ah oo loo xiray inay kamid yihiin kooxda Xagjirka ah ee Boko Xaram.

Maxkamadeyntan boqolaalkan qof ayaa waxaa kamid ahaa haween caruur wata oo qaarkood tan iyo sanadkii 2010 xabsiga lagu hayey, dadkan ayey maxkamadeyntooda ka bilaabatay magaalada Kainji ee bartamaha dalkaasi Nigeria.

Waa qeybtii labaad oo maxkamada lagu soo taagayo kumanaan dad ah oo ay dowlada u xirtay inay xiriir la leeyihiin Boko Xaram. Hase yeeshee maxkamada ayaa sheegtay in wax cadeyn ah lagu waayey inta badan dadkaasi.

20 eedaysane oo kaliya ayey maxkamada ku heshay inay xiriir la leeyihiin kooxda Boko Xaram kuwaasi oo lagu xukumay xabsi illaa 15 sano ah.

Sanadkii tagay dhamaadkiisii ayey dowlada Nigeria sidan oo kale maxkamada usoo taagtay in ka badan 1600 maxbuus kuwaasi oo 45 kaliya lagu xukumay xabsi, halka inta kale ay noqdeen dad lagu waayey wax danbi ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *