RW Poland oo difaacay Sharciga cusub ee la xariira Xasuuqii Naziga ee Yahuuda

Published: February 19, 2018

Raysalwasaaraha dalka Poland Mateusz Morawiecki oo ka qeyb galay shalay shirka Amniga ee ka dhacay Munich ayaa difaacay sharciga cusub ee dalkiisa soo saaray oo ku aadan xasuuqii loo geystay Yahuuda dagaalkii labaad ee Adduunka.

Sharcigan cusub oo ay dowlada Poland dhaqan gelisay ayaa qeexaya in Ganaax iyo Xabsi Muteysan doono cidii wadanka Poland iyo shacabkiisa ku eedaysa xasuuqii dalkaasi ka dhacay oo ay geysteen Nazi-gii Germany xiligii dagaalka labaad ee dunnida.

Wadanka Poland ayaa kamid ahaa goobihii ay ku yaaleen xeryaha Jarmalka ku xasuuqay dadka u badnaa Yahuuda xiligii dagaalka labaad ee dunnida socday.

Qodobkan cusub oo lagu daray Dastuurka dalkaasi kadib markii Baarlamaanka ansixiyey ayaa ah mid dowlada Poland ay sheegtay inay ku illaalsaneyso sumcadeeda, isla markaana aysan wax eed ah ku lahayn xasuuqii loo geystay Yahuuda ee ka dhacay dalkaasi xiligii ay wadankaasi xooga ku qabsadeen ciidamadii Hitler ee Naziga.

Dalal badan oo kamid ah Midowga Yurub iyo Israel ayaa cambaareeyey qodobkan lagu daray dastuurka Poland, iyagoo ku tilmaamay mid dowlada Poland ay dooneyso inay ku tirtirto taariikhda qoran ee xasuuqyadii ka dhacay dalkaasi xiligii uu socday dagaalkii labaad ee dunnida.

Balse Raysalwasaaraha Poland Mateusz Morawiecki ayaa sheegay in shacabka Poland aysan dhamaantood gacan kusiin Hitler xasuuqii loo geystay Yahuuda, isagoo yiri waxa jiray Yahuud laftooda la shaqeenayey Hitler, aysana xaq ahayn in shacabka Poland oo dhan iyo dalkooda dusha laga saaro si gaar ah eeda xasuuqaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *