IRAQ: Daacish oo weerar ku dishay maleeshiyaad Shiico ah

Published: February 20, 2018

Kooxda Daacish ayaa sheegatay weerar lagu dilay 30 kamid ah maleeshiyaadka shiicada ee taageersan dowlada Ciraaq, weerarkaasi oo ka dhacay gobalka Kirkuk ee waqooyiga dalkaasi.

Weerarkan ayaa ah kii ugu balaarnaa oo ay kooxda ISIS ku qaado ciidamada dowlada Ciraaq tan iyo intii laga saaray magaalada Hawija ee gobalka Kirkuk oo ahayd xaruntoodii ugu danbeysay ee dalkaasi Ciraaq.

Maleeshiyaadka Shiicada ee gacanta siinaya ciidamada dowlada ayaa la sheegay in jidgooyo loo dhigay xili ay marayeen duleedka magaalada Hawija Axadii lasoo dhaafay.

ISIS ayaa Isniintii shalay sheegatay inay iyadu weerarkaasi fulisay, waxaana soo baxaya warar sheegaya in maleeshiyaadkaasi Daacish ay qoorta ka jareen in badan oo kamid ah askartii ay nolosha ku qabteen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *