Laba kamid ah shaqaalaha Qaramada Midoobey oo lagu diley dalka Kongo Kinshasa

Published: February 20, 2018

Laba kamid ah shaqaalaha Qaramada Midoobey ayaa la diley mid kalena waa la afduubtey gudaha dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Kongo ama loo yaqaan Kongo Kinshasa.

Dilka Shaqaalaha Qaramada Midoobey waxaa laga soo xigtey afhayeen u hadley Qaramada Midoobey oo lagu magacaabo Farhan Haq, Shaqaalaha ayaa ahaa kuwa ka shaqeeya arrimaha bini’aadanimada gaar ahaan biyaha.

Shaqaalaha la diley midna la afduubtey ayaa u shaqeynaayey NGO laga lee yahay dalka Faransiiska oo lag magacaabo HYFRO, lama sheegin dhalashada dalka ay ka soo jeedaan kuwa la diley.

Weerarada ka dhanka ah Shaqaalaha iyo nabad ilaaliyaasha dalka Kongo Kinshasa ayaa soo badanayey bilihii lasoo dhaafay.

Bishii Diseembar sanadkii hore waxaa Kongo Kinshasa lagu diley 15 askeri oo ka tirsanaa nabad ilaaliyaasha Qaramada Midoobey kuwaas oo u dhashey dalka Tansaaniya, waxaana isla weerarkaas lagu dhaawacay 50 askeri oo kale kadib markii koox hubeysan ay weerartey xeradooda oo ku taaley Waqooyiga Kivu.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *