Maxkamadda oo dil Toogasho ah ku Xakuntay Sarkaal dilay Taliye Ku xigeenka Ciidanka badda-Dhegayso

Published: February 20, 2018

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa xakun dil toogasho ah ku riday sarkaal horey u dilay Taliye ku xigeenkii Ciidamada Badda Soomaaliyeed Saciid Aadan Yuusuf

Sidoo kale Maxkamadda ayaa darajadii ka qaaday Sarkaalka la xakumay.

Dhageysiga kiiska dilka oo bilowday todobaadkii hore ayey Maxkamadda soo geba-gabeysay maanta oo Talaado ah.

Gaashaanle sare Cabdinaasir Xoosh ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii uu dil bareer ah u geystay Taliyihiisa, xilli ay ku wada sugnaayeen xafiis ku yaalla dekedda Muqdisho 18-kii bishii hore.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *