Saddex kamid ah Booliska dalka Iran oo lagu dhex diley mudaaharaad

Published: February 20, 2018

Saddex ka tirsan ciidanka Booliska dalka Iran ayaa lagu diley caasimadda dalkaas ee Tehraan, kadib markii ay isku dhaceen koox mudaaharaadeysey oo lagu sheegay in ay ahaayeen Suufiyiin, sida laga soo xiganayo Booliska Iran.

Booliska ayaa la diley gelinkii danbe ee Isniintii, waxaana dilkooda loo isticmaaley gaari Bas (Bus) ah oo la jiirsiiyey, sida ay sheegtey wakaalada wararka ee IRNA ee dalka Iran laga lee yahay. Sawiro laga qaadey xiliga baska la jiirsiiyey Booliska ayaa lagu faafiyey qaar kamid ah baraha bulshada ee loo yaqaan Social Media.

Mudaaharaadka ayaa ka danbeeyey kadib markii Boolisku xireen xubno ka tirsan kooxda Gonabadis oo ah Suufiyiin, aan dalkaas laga ogoleyn. Dad badan oo ahaa ehaladooda ayaa isugu soo ururay xabsiga si dadkaas loo siidaayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *