Saddex qof oo lala xiriiriyey weerarkii Barcelona oo Faransiiska lagu qabtey

Published: February 20, 2018

Saddex qof oo lagu eedeeyey in ay xiriir la leeyihiin weerarkii Barcelona ka dhacay sanadkii hore ayaa lagu qabtey dalka Faransiiska. Xogtan ayaa laga soo xigtey Booliska sida ay faafisay warbaahinta dalka Isbeyn.

Saddexda qof ayaa lagu qabtey Koonfur Galbeed dalka Faransiiska waxaana laga kala qabtey laba meelood oo lagu kala magacaabo Pont-Sain-Esprit iyo Albi. Saddaxdan qof ayaa la sheegayaa in ay xiriir dhaw la lahaayeen Driss Oukabir oo ahaa ninki fuliyey weerarka.

Waxay ahayd 17 Agoosto sanadkii hore markii gaari yar oo nooca xamuulka ah la jiirsiiyey dad ku sugnaa wadada La Rambla oo ay ku badan yihiin dadka loo yaqaan dalxiisayaasha ee safarkoodu tamashlaha yahay, magaalada Bercelona.

Ururka isku magacaaba Dowladda Islaamka ee Daacish ayaa sheegtey masuuliyadda weerarkaas ay ku geeriyoodeen 16 qof.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *