Guddiga Maliyadda ee Baarlamaanka oo ka horyimid Canshuur kordhin lagu sameeyey Ganacsatada

Published: February 21, 2018

Guddiyada Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay sharci darro canshuurta cusub ee ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda, taasoo keentay khilaaf sababay inuu hakado ganacsigii Suuqa Bakaaraha

War-saxaafadeed Guddiga soo saaray oo ka koobnaa shan qodob ayaa ugu horeyn waxaa sharci darro lagu tilmaamay canshuurta cusub ee ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda ee ah Canshuurta Iibka 5%, isla markaana la dhaqan gelin karin.

Kulan Guddiyada Joogtada Golaha shacabka ay yeesheen ayaa waxaa uu u xil saaray Guddiyada Maaliyadda iyo Ganacsiga, kuwaasoo kulan la qaatay Ganacsatada Gobolka Banaadir.

Guddiga ayaa Sidoo kale wasaaradda ka dalbaday in ay horkeento Baarlamaanka shuruucda canshuurta oo tifaftiran 30 bisha April, waxaa kaloo labada Guddi ku wargeliyeen Wasaaradda Maaliyadda in canshuur aanay soo marin Baarlamaanka aanay dhaqan gelin karin Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *