Madaxweynaha Puntland oo Kormeeray Qaar ka mid ah Xarumaha Dawladda Puntland-Sawiro

Published: February 21, 2018

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu kormeer ku sameeyey qaar ka mid ah xarumaha Puntland ee ku yaala caasimada Garowe, xarumahaas oo ay ka mid ahaayeen xarunta Dawladda Hoose, xarunta denbi-baarista iyo xarunta laanta socdaalka iyo jinsiyadaha.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horeyn waxa uu kormeerkiisa ka bilaabay xarunta Dawladda Hoose ee Garowe xili ay ka socotey shaqada maalin laha ah ee ay qabato dawladda hoose, halkaasi oo Madaxweynuhu kulan kula qaatay duqa dagmada Garowe iyo xoghayaha Dawladda Hoose, kadibna xog waraysi kala yeeshay sida ay ugu shaqeeyan bulshada iyo dadka kayimada Gobolada Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo magalada Garowe u yimaada si ay u sameystaan Baasaboorada iyo dhalashada Soomaaliya.

Xiligii madaxweynaha Dawlladda Puntland uu ku guda jiray kormeerka ayaa madaxweynuhu waxaa uu mid-mid u galay xafiisyada kala duwan ee Dawladda Hoose ee Garoowe, halkaas oo ay goob joog ahaayeen shaqaalaha iyo shacabkii loo shaqeenayey, kuwaasi oo salaan guud iyo is xog waraysi kadib uu madaxweynuhu kula dardaarmay shaqaalaha Dawaladda hoose ee Garoowe inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan shacabka, isla markaana ay ugu adeegaan si hagar la’aan ah.

Dhinaca kale Madaxweynha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kormeer kiisa sii wata ayaa waxaa uu booqday xarumaha denbi baadhista (CID) iyo xarunta laanta socdaalka iyo jinsiyadaha, halkaasi uu madaxweynu kula kulmay maamulka xarumahaasi, isla marhaantaa waxaa uu madaxweynhu ka xog wareesata sida ay shaqdu u socoto, kadibna kula dar-daarmay shaqaalaha xafiisyadaasi inay bulshada si daacda ugu adeegaan.

Sidoo kale Madaxweynha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goobihii adeega loogu samaynayey bulshada waxaa uu kula kulmay shacab soomaaliyeed oo badankiisu ka yimi Gobolada Waqooyi Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa dad bukaan socod ah oo baahi weyn uqabay in ay helaan adeeg caafimaad oo dibada ah, kuwaas oo Madaxweynuhu u amary in si deg deg ah loogu sameeyo adeega ay u baahan yihiin.

Ugu danbeen Madaxweynha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu booqsho ku tagay safaarada Ethopia waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Qunsulka safaarada Ethiopia Ambasador Esmalash, iyada oo booqashada kadib Madaxweynaha Dawladda ayaa kulan gaar ah la qaatay Danjiraha Dawllada Ethiopia ufadhiya Puntland.

-DHAMMAAD-

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *