Taliyaha Cusub ee NISA oo Xilka si rasmi ah ula Wareegay

Published: February 21, 2018

Xuseen Cusmaan Xuseen oo ah Taliyaha cusub ee hay`adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa xilka si rasmi ah ula wareegay, kadib xaflad ka dhacday xarunta NISA.

Waxaa ka qeyb galay munaasabadda xil wareejinta Wasiirka Amniga gudaha Maxamad Abuukar Islow Ducaale, Wasiir kuxigeenka iyo Saraakiisha NISA.

Taliye kuxigeenka NISA Cabdiqaadir Maxamad Nuur Jaamac oo xilkan sii hayey ku dhowaad afar bilood ayaa xilka ku wareejiyay Taliyaha cusub.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Isniintii la soo dhaafay u magacaabay xilka Taliyaha Nabad Sugidda Xuseen Cismaan Xuseen, kadib muddo ku dhow afar bilood oo ay Taliye la`aan ahayd hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *