MALI: Qarax lagu dilay askar u dhalatay France

Published: February 22, 2018

Ugu yaraan labo kamid ah ciidamada Faransiiska ayaa lagu dilay qarax ka dhacay Arbacadii shalay dalkaasi Mali.

Qaraxan ayaa lala eegtay gaari nooca qafilan ah oo ay saarnaayeen ciidamada ku sugan waqooyiga wadanka Mali, xili ay ku jireen roondo sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada France.

Dalka France ayaa ciidamo gaaraya 4000 u diray wadanka Mali iyo dalalka jaarka la ah ee la isku yiraaho Sahel si halkaasi looga saaro xoogaga Xagjirka ah ee dhulkaasi ka dagaalama.

Ciidamada France ayaa galay wadanka Mali sanadkii 2013 si halkaasi looga saaro kooxaha xagjirka ah oo qabsaday waqooyiga wadankaasi, maleeshiyaadkaasi oo dib looga saaray dhulkii ay qabsadeen ayaa weli wada weeraro gaadmo ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *