NIGERIA: 76 gabdhood oo laga soo badbaadiyey kooxda Boko Xaram

Published: February 22, 2018

Ciidamada dalka Nigeria ayaa ku guuleystay inay soo badbaadiyaan 76 gabdhood oo arday ah oo ay kooxda xagjirka ah ee Boko Xaram qafaalatay Isniintii lasoo dhaafay.

Meydka labo gabdhood ayey sidoo kale ciidamada heleen, walow ay jiraan 14 qof oo weli la la`a yahay.

Kooxda Boko Xaram ayaa Isniintii lasoo dhaafay weerartay iskuul ku yaal deegaanka Depachi ee gobalka Yobe, waqooyiga Nigeria. Waxaa labadii maalin ee lasoo dhaafay socday hawlgal lagu raad joogay kooxda ardayda qafaashay.

Dowlada Nigeria ayaa sheegtay inay weli baareyso goobta ay ku sugan yihiin dadka wel la la`ayahay.

Kooxda Boko Xaram oo sheegtay inay kamid tahay Daacish ayaa marar badan oo hore sidan u qafaashay gabdho da`ayar oo qaarkood si khasab ah ugu guuriyaan dagaalyahanadooda, halka kuwo kale u adeegsadeen weerarada ismiidaaminta ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *