Trump: Macalimiinta Hala Hubeeyo say Ardayda u difaacaan!

Published: February 22, 2018

Xili shacabka Maraykanka gaar ahaan ardayda iskuulada bilaabeen olole ay uga soo horjeedaan hubka faraha ka baxay ee shacabka laga iibiyo ayuu Madaxweynaha Maraykanka soo jeediyey xal ay la yaabeen shacabka, isagoo sheegay in xalka uu noqon karo in macalimiinta iskuulada la hubeeyo si ay u difaacaan ardayda taasi oo ka dhigan in lasii kordhiyo huba ku jira gacanta shacabka.

Trump ayaa Aqalka Cad xalay kula kulmay koox isugu jira arday, waalidiin iyo shaqsiyaad kale oo ay saameysay weeraradii ka dhacay iskuulada dalkaasi, kulankan ayaa dadka lagu casumay ay ahaayeen koox si gaar ah Madaxtooyada usoo xushay.

Qodobka ugu muhiimsan ee looga hadlayey kulankan ayaa ahaa sidii loo xakameyn lahaa hubka badan ee shacabka gacantiisa ku jira iyo weerarada sanad walba ka dhaca iskuulada dalkaasi oo arday badan lagu dilay.

Xiisada hubka ayaa dib u bilaabatay kadib weerarkii Arbacadii hore ka dhacay dugsi sare oo ku yaal gobalka Florida, halkaasi oo uu mid kamid ah ardayda ku dilay 14 arday iyo 3 qof oo kale.

Ardayda iskuulka xasuuqa ka dhacay ayaa bilaabay olole balaaran oo looga soo horjeedo hubka iyagoo ku baaqay in la xakameeyo iibka hubka isla markaana sare loo qaado da`ada uu qofka ku iibsan karo hubka fudud, sidoo kalena baaritaan lagu sameeyo qofka doonaya hubka inuu gato si loo baaro xaaladiisa.

Trump ayaa horey u sheegay inuu taageersan yahay in wax laga bedalo sharuucda iibka hubka ee dalkaasi, balse hadaladiisan ugu danbeeyey ayaa markale muujinaya sida uu isu khilaafayo warka kasoo baxa Madaxweynaha Maraykanka.

Donald Trump ayaa diiday inuu ka qeyb galo kulan balaaran oo xalay lagu qabtay gobalka Florida oo looga hadlay xasuuqa ka dhacay iskuulka, balse doorbiday inuu qaban qaabiyo kulankaasi kooban ee ka dhacay Aqalka Cad.

Kulankii ka dhacay gobalka Florida ayaa waxaa ka qeyb galay Senator Marco Rubio oo gobalkaasi laga soo doorto kana mid ah xubnaha u dooda shirkadaha hubka sameeya.

Senator Rubio ayaa dhaliil kulul kala kulmay shacabka, wuxuuna Senatorka markii ugu horeysay kulankaasi ka sheegay inuu diyaar u yahay in wax laga bedalo sharuucda hubka ee dalkaasi.

Bartamaha bisha soo socota ee Maarso ayey ardayda iskuulada Maraykanka sheegeen inay qaban doonaan banaanbax balaaran oo dalka oo dhan ah, isla markaana iskuulada ka bixi doonaan aysana ku noqon doonin fasalada illaa inta Baarlamaanka ka ansixinayo shuruuc xakameysa hubka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *