Madaxweynaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka dalka Turkiga

Published: February 23, 2018

Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Ra`iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Turkiga Mudane Hakan Çavuşoğlu iyo wafdi uu hoggaaminayey.

Madaxweyanha Soomalaiya ayaa uga mahad celiyey Dowladda Turkiga taageerada ay mar walba la garab taagan tahay Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kala hadlay Ra`iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga sidii loo sii adkeyn lahaa loona horumarin lahaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhanka dhaqaalaha iyo maalgashiga, wuxuu Madaxweynuhu ku bogaadiyey Dowladda Turkiga tababaridda, tayaynta iyo qalabaynta ciidanka Soomaaliyeed

Ra`iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga ayaa dhankiisa uga mahadceliyey sida diirran ee ay Dowladda Federaalka usoo dhaweysay isaga iyo wafdiga la socday, wuxuuna ammaanay dadaallada dib u heshiisiineed ee ay Dowladda Federaalka ka wado dalka iyo horumarka dhanka Siyaasadda ay ku tallaabsatay.

Ra`iisal Wasaare Kuxigeenka ayaa caddeeyey in ay fulin doonaan heshiisyadii ay Soomaaliya ku kala saxiixdeen Ankara bishii Janaayo ee sannadkan, ayna ka bilaabayaan maalgashiga Kalluumaysiga Soomaaliya.

Ra`iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga ayaa sheegay in sanadkan ay kordhiyeen miisaaniyadda ay ku kabaan Dowladda Federaalka, sidoo kalena ay maal gashi ku sameyn doonaan webiga Shabeelle si kor loogu qaado wax soosaarka Beeraha Soomaaliya.

Horseed Media 2018

 

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *