Qaraxyo Xoogan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho-Dhegayso

Published: February 23, 2018

Qarax xooggan ayaa ka dhacay meel aan sidaa uga fogeyn xaarunta Nabad Sugidda Qaranka, iyadoo inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir laga maqlay Qaraxa xoogiisa

Qaraxa kadib waxaa hal mar is qabsaday dhawaaqa rasaasta . ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay Qaraxaasi.

Sidoo kale waxaa laga maqlayaa Qarax iyo rasaas xoog leh aga-gaarka Madaxtooyada, gaar ahaan meel ku dhow Masjidka isbahaysiga.

Israsaaseyn ayaa weli ka socoto aga-gaarka Madaxtooyada, iyadoo ciidamada dowlada iyo koox hubeysan ay rasaas is weydaarsanayaan.

Qaraxyada ayaa ku soo beegmaya xili maalintii shalay Wasiirka Amniga gudaha Dowladad Soomaaliya Maxamuud Abuukar Islow uu sheegay in laba gaari oo qaraxyo lagu soo diyaariyey Muqdisho soo galeen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *