Maraykanka oo Safaardiisa Israil ka furaya Qudus bisha May ee sanadkan

Published: February 24, 2018

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtey in safaradooda ay ka furayaan magaalada Qudus ee Israil xogga ku haysato bisha May ee 2018. Maraykanka ayaa ku beegay furitaanka safaraadiisa munaasabadda Israil ay xuseyso 70 guiradii ka soo wareegtey markii ay ku dhawaaqeen in ay yihiin Dowlad ee ay xogga ku qabsadeen falastiin ee Maajo 15 Nakba Day.

Wasaaradda Arrimaha Diabdda ee Maraykanka ayaa wareejinta safaraadooda ugu yeeray mid taariikhi ah.

Waxay u muuqataa in Maraykanku soo dedejiyey xiliga ay ka guurayaan Tel Aviv sida uu horey u sheegay Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pance taas oo ahayd janaayo 2019.

Bishii Diseembar 2017 ayey ahayd markii Madaxweynaha Maraykanku sheegay in ay Qudus u aqoonsan yihiin caasimad Israil leedahay sidaas darteedna ay safaaradooda ugu wareejinayaan Qudus, taas oo caro badan ka dhalisey dalalka Islaamka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *