Magaalada Baydho oo laga dhagax-dhigay xarun lagu dhaqan celiyo dhalinyarada-Dhegayso

Published: February 25, 2018

Madaxweynaha Maamulka Koofur-Galbbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa magaalada Baydhabo markii ugu horeysay ka dhagax-dhigay Magaalada Baydho xarun lagu dhaqan celiyo dumarka ka soo baxa Ururka Shabaab.

Dhagax-dhiga xarunta ayaa waxaa goob joog ka ahaa gudoomiyaha ururka Haweenka gobolka, kan degmada, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Koofur-Galbeed Soomaaliya.

Xaawo Sokor Cali gudoomiyaha ururka Haweenka Degmada Baydho ayaa sheegtay in ay soo dhaweenayaan xarunta la dhagax-dhigay ee loogu tala galay Haweenka ka so oo baxa Al-Shabaab si loogu dhaqan celiyo

Madaxweynaha Maamulka koofur-Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhankiisa sheegay in dadaalo dheeraad ah ay ku bixiyeen hir gelinta xarunta isla markaana ay ku guuleysteen.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *