Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Xilka si Rasmi ah ula Wareegay

Published: February 25, 2018

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye guud Bashiir Maxamad Jaamac ayaa Xilka si rasmi ah ula wareegay kadib xaflad ka dhacday Xarunta Xabsiga dhexe ee Xamar.

Xafladda Xil Wareejinta ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Xildhibaanada labada Gole,Taliyaha Ciidanka Booliska iyo agaasimaha hay`adda Nabada Sugidda.

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya Sareeye guud Bashiir Maxamad Jaamac ayaa sheegay in uu dar-dargalin doono howsha shaqo ee Taliska Ciidanka.

Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cismaan Taliyhii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Taliyah Cusub ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, isagoo hambalyo u diray Taliyaha Cusub.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa boogadiyey waxqabdka Taliyhii hore isgoo Taliyaha Cusub ugu baaqay in uu ku dadaalo sidii loo hormarin lahaa Taliska Ciidanka Asluubta.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *