Nigeria: Dowlada oo xaqiijisay in boqolaal gabdho ah la afduubtay

Published: February 26, 2018

Dowlada Nigeria ayaa Axadii shalay xaqiijisay in weli la la`a yahay in ka badan 100 gabdho ah oo ay kooxda Boko Xaram ka qafaalatay iskuulkii ay dhiganayeen asbuucii lasoo dhaafay.

Wasiirka Warfaafinta Nigeria, Alhaji Lai Mohammed ayaa warsaxaafadeed uu shalay soo saaray ku sheegay in 110 gabdhood weli la la`a yahay.

Kooxda Xagjirka ah ee Boko Xaram ayaa Isniintii todobaadkii hore weerartay iskuulka gabdhaha ee ku yaal deegaanka Depachi ee gobalka Yobe ee waqooyi bari dalka Nigeria.

Arbacadii lasoo dhaafay ayey dowlada sheegtay in 74 gabdhood soo badbaadisay balse, waxaa gadaal kasoo baxay in gabdhaha la qafaashay ay gaarayaan boqolaal. Iskuulka la weeraray ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen in ka badan 900 arday ah.

Shacabka Nigeria iyo waalidiinta ardaydaasi ayaa dowlada Nigeria ku cambaareeyey inaysan waxna ka baran afduubyada ay kooxda Boko Xaram u geystaan gabdhaha iyadoo la xasuusto weerarkii ay kooxdaasi sanadkii 2014 ku qafaalatay 276 gabdho ah oo qaarkood weli ku maqan gacanta kooxdaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *