Xiisada ka dhex aloosan hogaamiyayaasha Mexico iyo Maraykanka

Published: February 26, 2018

Madaxweynaha Mexico Pena Nieto ayaa baajiyey safar uu ku tagi lahaa dalka Maraykanka kadib markii ay telefoonka ku murmeen Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Pena Nieto ayaa qorsheenayey in safarkiisii ugu horeeyey oo rasmi ah ku tago dalkaasi Maraykanka, tan iyo intuu xilka qabtay Donald Trump ayaa ka codsaday Madaxweynaha Maraykanka inuu shacabkiisa u sheego in Mexico aysan bixin doonin lacagta lagu dhisayo derbiga Trump doonayo inuu ku xiro xaduuda u dhaxeysa labada dal.

Trump ayaa ololihiisa ku galay inuu dhisi doono derbi weyn oo uu ku xiro xaduuda Mexico, ayna dhaqaalaha lagu dhisayo derbigaasi ay bixin doonto dowlada Mexico. Arrintaasi oo ay marar badan dowlada Mexico beenisay.

Donald Trump ayaa marar dhowr ah ka dhawaajiyey inuu doonayo inuu canshuur dheeraad ah saari doono ganacsiga kala dhaxeeya Mexico, lacagtaasna lagu bixin doono debriga xaduuda, qorshahaasi oo ay dowlada Mexico sheegtay inuu ka horimaanayo heshiisyadii horey u wada saxiixdeen labada dal ee jaarka ah.

Sabtidii lasoo dhaafay ayuu Madaxweynaha Mexico oo khadka telefonka kala hadlay Trump ka codsaday inuu u cadeeyo shacabka Maraykanka in Mexico aysan bixin doonin dhaqaalaha dhismaha derbiga xaduuda, taasina waxaa ka biyo diiday Trump oo weli ku adkeysanaya qorshihiisa derbiga, wadahadalkaasi telefonka oo socday 50 daqiiqo ayaa fashil kusoo dhamaaday.

Madaxweynaha Mexico ayaa markii labaad baajiyana safarka uu ku tagi lahaa Washingtona, horaantii sanadkii hore 2017 ayuu hogaamiyaha Mexico doonayey inuu booqdo Maraykanka kadib markii Trump xilka loo dhaariyey, safarkaasi ayaa sidan oo kale loo baajiyey.

Madaxweyne Pena Nieto ayaa isu diyaarinaya doorashada Madaxweynaha Mexico ee bisha Luulyo (July) dhici doonta, isagoona doonaya in uu shacabkiisa u muujiyo inuu yahay hogaamiye la xisaabtami kara Madaxweynaha Maraykanka oo inta badan aflagaadeeya dalka iyo dad reer Mexico.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *