Magaalada kismaayo oo lala mataaneeyey Magaalada Antalya ee dalka Turkiga

Published: February 27, 2018

Magaalada kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa lala mataaneeyey Magaalada Antalya oo ah Magaalo ku taala wadanka Turkiga, isla markaana la sheegay in meelo badan ay labada Magaalo isaga egyihiin.

Mataanaynta Magaalooyinka ayaa timid kadib Markii ay wada Kulmeen Wafdi ka socday Turkiga iyo Madaxweynaha Jubbland.

Wafdi ka socday dowladda Turkiga oo socdaal ku joogay Kismaayo ayaa safarkooda soo geba gabeeyay, waxaana wafdigan hoggaaminayay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Amb. Olgen Bekar, Xoghayaha Dowladaha Hoose ee Turkiga iyo Mas`uuliyiin kale

Madaxweyanha Jubbaland Mudane Axmed Maxamad Islaam ayaa soo dhoweeyay mashaariic Turkiga ka fulinayo deegaanada Jubbaland.

Sidoo kale Madaxweynaha jubbaland ayaa sheegay in wafdigan ay dhawaan tagi doonan meelo kale oo Jubbaland ka mid ah oo mashaariic laga fulinayo isagoo ammaanay sida Dowlada Turkiga ay uga go`an tahay in tageeradeeda ay gaar siiso dhamaan wadanka

Madaxweynaha Jubbaland Axmad Maxamed Islaam ayaa sheegay in dhamaan waxyaabahii laga wada hadlay ay miro dhal noqdeen, isla markaana mar dhow ficil loo badali doono.

Waxaa uu amaanay mataanaynta Antalya iyo Kismaayo oo uu xusay in ay tahay qorshe weyn oo ay tahay in mudnaan gaar ah la siiyo.

Olgan Bekar Safiirka Turkiga ayaa dhankiisa ka mahad celiyay soo dhaweyntii qiimaha lahayd ee lasoo sameeyay isagoo hoosta ka xariiqay in dhamaan waxyaabahii la isku afgartay ay sida ugu dhow u fulin doonan gaar ahaan adeegyada hormarinta oo ay ugu weynatahay mataanaynta Magaalada Kismaayo iyo Magaalada Antalya.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *