Safiirka Dalka Turkiga ee Soomaaliya oo gaaray Magaalada Hobyo

Published: February 27, 2018

Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya Danjire Olgan Bekar ayaa gaaray degmada Hobyo ee gobolka Mudug, waxaana safiirka ku soo dhoweeyay degmada Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamad Xaashi Cabdi iyo xubno tirsan Galmudug.

Olgan Bekar Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in Turkiga ay intii karaankooda ah ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada horumarka Hobyo

Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Maxamad Xaashi Cabdi iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay doorka ay Turkiga ka qaadan karaan hormarinta magaalooyinka Galmudug, gaar ahaan degmada Hobyo .

Safiirka ayaa booqday dekadda oo dhismaheeda uu dhawaan bilaaban doono, xarunta Ciidanka Badda, Isbitaalka Hobyo iyo iskuulka Hoose dhexe iyo Sare.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *