UN: Reer Galbeedka iyo Ruushka oo isku khilaafay Qaraar ku aadan YEMEN

Published: February 27, 2018

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo xalay la horkeenay inay codka u qaadaan laba mooshin oo iska soo horjeeda oo ku aadan dagaalka ka socda dalka Yemen.

Mooshinka kowaad ayaa waxaa soo diyaariyey Dowlada UK, waxaana si adag loogu cambaareeyey kooxda Xuuthiyiinta iyo dowlada IRAN ee taageerta, waxaase mooshinkan la laalay kadib markii dowlada Ruushka ay codkeeda VETO u adeegsatay diidmada in qaraarkaasi la ansixiyo.

Qoraalka UK soo gudbisay ayaa si adag loogu eedeeyey dowlada IRAN inay si bareer ah u jabisay cunaqabateynta hubka ee saaran Yemen, Tehran ayaa la sheegay inay hub halis ah ku taageertay xuuthiyiinta. Waxaana qoraalka taageeray 11 wadan oo kamid ah Golaha Amaanka oo ay ku jiraan dalalka reer Galbeedka ee Maraykanka iyo Faransiiska oo kamid ah xubnaha joogtada ah.

Qaraarkan ayaa irida u furi karay in cunaqabateyn la dul dhigo Iran hadii Golaha Amaanka ansixiyo, taasi oo keentay in Ruushka codkooda Veto ku difaacaan xulafadooda Iran. Dalalka China iyo Kazakhstan ayaa iyagu ka gaabsaday inay codkooda dhiibtaan.

Ruushka ayaa isaguna isla kulankaasi golaha soo hordhigay qoraal kale oo ku aadan dagaalka Yemen, kaasi oo ku koobnaa oo kaliya in muddo 1 sano ah lagu daro cunaqabateynta saaran dalka Yemen iyo inay hawshooda sii wataan guddiga u xilsaaran arrimahaasi.

Qaraarkaasi Ruushka ayey dhamaan dalalka xubnaha ka ah Golaha ay ansixiyeen, maadaama laga cabsi qabay hadii aan la ansixin in iridi u furi karto in ay burburto cunaqabateyntii hubka ee dalkaasi la saaray oo wakhtigeedii dhamaaday.

Safiirka Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay Amb.Vassily Nebenzia ayaa sheegay in Ruushka uu codkiisa Veto ku diiday qoraalka dalka UK soo gudbiyey oo uu sheegay inuu ahaa mid qaab “Qalafsan” oo halis ah loo soo qoray, kaasi oo uu sheegay inuu sare usii qaadi karay xiisada iyo dagaalada ka jira gobalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *