Holland oo joojisay Tababaradii ay siin jirtay Militariga Soomaaliya

Published: February 28, 2018

Wasaarada Difaaca ee dalka Holland ayaa sheegtay inay joojineyso mashruucii tababarada khaaska ah oo ay siin jireen saraakiisha ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya.

Mashruucan oo qeyb ka ahaa mashaariicda Midowga Yurub ku taageero militariga Soomaaliya oo loo yaqaan [EU Training Mission in Somalia (EUTM-S)] ayaa waxaa waday 15 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Holland oo ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegtay Wasaarada Difaaca ee Holland joojinta mashruucan ayaa la xariirta dhinaca maalgelinta oo loo waayey inuu sii socdo. Saraakiisha Holland ayaa tababaro dhinaca hawlfalka iyo
maamulka bari jiray saraakiisha qeybaha kala duwan ee ciidamada dowlada Federaalka.

Horey ayey dowlada Maraykanka u sheegtay inay hakisay dhaqaalihii ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya, dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay.

Go`aanadan ayaa kusoo beegmaya xili ay dowlada Federaalka sheegtay inay dhisi doonto ciidamo Qaran isla markaana la sheegay in ay dalka ka bixi doonaan ciidamada AMISOM dhamaadka sanadkan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *