Madaxweynaha Puntland oo Qasriga Madaxtooyada ku Qaabiley Wafdi ka Socdey Dawladda Masar-Sawiro

Published: February 28, 2018

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu qasriga madaxtooyada ee Garowe ku qaabiley wafdi ballaaran oo uu hogaaminayey wasiirka beeraha Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid iyo qunsulka safaarada Masar ee Soomaaliya Taamir Safwat.

Wafdigan ballaaran ee soo gaaray Puntland ayaa waxaa ka mid ahaa mas’uuliyiin ka socotey Wasaaradda beeraha ee dalka Masar, kuwaas oo uu ka mid ahaayeen Madaxa mashaariicda beeraha ee wadamada Afrika Dr. Maahir Abdulmuncim, Axmed Qunaim-Madaxa xiriirka Dibadda Wasaaradda Beeraha Masar, Dr. Attiya Mansuur- Khabiir Biyaha iyo Deegaanka.

Madaxweynah Puntland oo kulan gaar kula qaatay xafiiskisa wafdigaasi marka ay soo gaareen qasriga madaxtooyada, ayaa kulankaas waxaa kala qeyb galay Wasiirka Deegaanka Puntland, Wasiirka Xanaada Xoolaha Puntland, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Puntland iyo Saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxweynaha.

Qunsulka Dawladda Masar ee Soomaaliya mudane Taamir Safwat ayaa uga mahad naqay Puntland sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay caasimada Puntland islamar ahaantaana sheegay inuu salaan uga wado dawladdiisa Madxweynaha Puntland, sidoo kalana sheegay in Dawladda Masar ay dooneyso inay ka fuliso mashaariic horu marineed Puntland, kuwaas oo ay ka mid yihiin horu marinta beeraha, daaweynta xoolaha, Kawaano casriya, biyo xireeno, taba baro iyo waxbarshada beeraha.

Dhinaca Kale Madxweynha Puntalnd ayaa uga mahad naqey qunsulka Dawladda Masar iyo mas’uuliyiinti kale ee ka socotay Wasaaradda beeraha ee dalka Masar booqashada ay ku yimaadeen Puntland, sidoo kalena tilmaamey in Puntland ay Dawladda Masar iyo wasardda beeraha ee dalkaasi Masarba ay ku soo dhaweenayaan maal gashiga Puntland iyo horu marinta wax soo saarka Beeraha Puntland, taas oo laf dhabar u ah nolosha reer guuraaga iyo guud ahaan Shacabka reer Puntland.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa qunsulka Dawladda Masar iyo wafdigii la socdey ee ka socdey Wasaaradda Beeraha ee Masar kula dar daarmey iney Puntland wax kala qabtaan nabaad guurka, xaalufinta deegaanka, daaweynta iyo nafa qeynta xoolaha, ka hortaga abaaraha iyo sidii mar kasta dadka abaaruhu aafeeyaan loogu gurman lahaa

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *