Uganda oo ku eedeysay ciidamada Muqdisho israsaaseyntii Jimcihii

Published: February 28, 2018

Taliyaha Ciidamada Ugandha ee AMISOM ayaa ka hadlay dilkii ay ciidamadooda Jimcihii u geysteen qaar kamid ah Askarta dowlada Soomaaliya kadib qaraxyadii Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Brigadier Paul Lokech oo kamid taliska ciidamada Ugandha ee AMISOM ayaa sheegay in ciidamadooda ay isdifaaceen kadib markii kolonyadooda gaadiidka ay rasaas ku fureen qaar kamid ah ciidamada dowlada Soomaaliya.

Israsaaseyntaasi ayaa la sheegay inay ku dhinteen sadex askari oo ka tirsan ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya.

Shilkan ayaa dhacay xili uu dhaq dhaqaaq militari ka socday gudaha magaalada Muqdisho kadib qaraxyadii ka dhacay magaalada Jimcihii lasoo dhaafay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *