Axmad Cumar Sahal oo ku magac dheer Axmad Dable waa 32 jir ku dhashay, kuna nool Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud Soomaaliya.
Axmad waxa uu sameeyey Soolar ku shaqeeya qoraxda, isagoona bishan Maarso ee sanadkan 2018 ku guuleystay in uu ka shaqeysiiyo soolarkii ugu horeeyey ee uu gacantiisa ku sameeyo.
Soolarka ayaa laga taagay mid ka mid ah xaafadaha Magaalada Cadaado oo horey u ahaan jirtay xaafad mugdi ah , balse markii soolarka laga taagay ay iftiin noqotay.
Axmad Dable oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegay in sameynta Soolarkan ay ku gacdan lacag dhan 300, oo doolar, isla markaana u jiri karo ilaa muddo seddex sano ah.
Hadaba hoos ka dhegayso warbixinta oo dhammeystiran.
Horseed Media 2018.