golis

Somaliland oo sheegtay in ay joojisay Wadahadaladii Dowladda Soomaaliya

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay hakiyeen wadahadaladii la qorsheynayay in ay la galaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kadib markii uu soo baxay khilaaf cusub.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr.Sacad Cali Shire ayaa shaaciyey in ay dib u dhigeen muddo bil ah wadahadaladii la filayey in bishan ay ku yeeshaan Jabuuti Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo iyo Maxaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

…Annaga kama noqon wadahadalada, laakiin waqti xaadirkan ah daruuftii saamaxaysay ma jirto, sidaa darteedna dib ayaan u dhignay , waxaynu eegeynaa bisha markii ay dhammaato inaan la galayno iyo in kale ayuu yirti Dr.Sacad Cali Shire.

Hadalka Wasiirka Aarrimaha Dibadda  Somaliland ayaa ku soo beegmaya  xili maalmo kadib Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay dacad ka dhan ah heshiiskii seddex geesoodka ahaa ee dekadda Berbera u gudbisay Jaamacadda Carabta.

Horseed Media 2018