golis

Baarlamaanka Somaliland oo Meel mariyey heshiiskii Dekadda Berbera

Golaha  Baarlamaanka Somaliland oo fadhi ku yeeshay Magaalada Hargeysa ayaa taageeray heshiiskii seddex geesoodka ahaa ee dekedda Magaalada Berbera ee dhex maray Somaliland, Itoobiya iyo Shirkadda DP World.

Heshiiska ayaa waxa ay Baarlamaanka Somaliland u  ansixiyeen  si aqlabiyad leh.

Golaha Baarlamaanka Somaliland ayaa sidoo kale jawaab ka bixiyey go’aankii Aqalka Hoose ee Baarlamaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya uu shalay ku ansixiyay sharci waxba kama jiraan ka dhigaya heshiis kasta oo lala galay shirkadda ay leedahay dowladda Imaaraadka Carabta ee DP World.

Waxa ay Golaha Wakiilada Somaliland ay cambaareeyeen  go’aankii Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku laaleen heshiiskii dekedda Berbera, isla markaana ay dalka kaga mamnuuceen shirkadda DP World.

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa farriin u diray Beesha Caalamka, iyagoo sheegay in dhaq-dhaqaaqyada dowladda federaalka wado ay xasilooni darro ka abuuri karto gobolka.

Horseed Media 2018