golis

Ugaas Cabdiladhiif iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Gaalkacyo

Waxaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug gaaray Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayey Ugaaska Beesha Yuusuf Daarood (Awrtable) Ugaas Cabdiladhiif Ugaas Xirsi Ugaas Warsame, kaasi oo ka soo kicitamay Magaalada Burtinle ee Gobolka Nugaal.

Ugaaska ayaa booqasho iyo salaan ku tagay deegaanka gacan afalle oo si weyn loogu soo dhaweeyey, isla markaana wabixin ku saabsan deegaanka la siiyey.

Xaflad soo dhaweyn ah ayaa Ugaaska loogu sameeyey Magaalada Gaalkacyo, waxaana ka soo qeyb galay bulshada qeybaheeda kale duwan  ee Beesha Yuusuf Daarood.

Ujeedka xafladda ayaa ahayd isbarashada Ugaaska cusub ee Beesha iyo bulshada uu hogaamin doon.

Dhammaan dadkii ka soo qeyb galay munaasabadda ayaa soo dhaweeyey Ugaaska cusub ee beesha, sheegayna in uu yahay shaqsi u qalma in uu hogaamiyo beesha.

Hoos ka daawo xafladda soo dhaweynta Ugaaska.

Horseed Media